Sarkaalkii dilay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda oo La Xukumay

0
223

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa dil iyo darajo qaadis isugu dartay Sarkaalkii dilay Abaanduulihii Ciidanka badda S/guuto Siciid Aadan Yuusuf.

Dhageysiga kiiska dilka oo bilowday todobaadkii hore ayay Maxkamadda soo gabagabeysay maanta oo Talaado ah.

G/sare C/naasir Xoosh Maxamed ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii uu dil bareer ah u geystay Taliyihiisa, xilli ay ku wada sugnaayeen xafiis ku yaalla Dekeda Muqdisho 18-kii bishii hore.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ku riday gacan ku dhiigalaha dilka geystay oo ka mid ahaa Ciidamada Badda.

G/sare C/naasir Xoosh ayaa Xafiis ku yaalla Dekeda Muqdisho Ku Dhex dilay 18-kii bishii hore Abaanduulihii Ciidanka badda S/guuto Siciid Aadan Yuusuf..