Nabadoon Axmed Diiriye oo geeriyooday

0
138

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa Odayaasha sida wayn looga yaqaan gayiga Somaliya.

Axmed Diiriye Cali ayaa xalay 11:30 wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ee Ex-Digfeer, kadib xanuun haayay oo mudda laga daaweynaayay.

Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ay sheegeen in Nabadoonka muddooyinkii dambe Isbitaalka uu ku jiray oo xaaladiisa ay liidatay.

Marxuum Axmed Diiriye, waxaa uu ahaa afhayeenka Beesha Hawiye ee koonfurta Soomaaliya, waxaa uuna xilliyo kala duwan kaalin ku lahaa nabadeynta Muqdisho, 2006-dii wixii ka dambeeyay waxaa uu ka tirsanaa dadka codka ku leh siyaasadda iyo dhaqanka.

Shacabka Somaliyed ayaa Nabadoonka waxa ay ku xusuustaan sidii uu uga dhiidhin jiray ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dalka ku sugnaa iyo gabood falada ay ka gaysan jireen Magaalada Muqdisho.

Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu ifka kaga tagay caruur badan oo qaarkood ay hadda yihiin Siyaasiyiin ku jira saaxadda Siyaasadda Somaliya.