Maamulka Gobolka Sool iyo Hayada SVO Oo tababar nabada ku saabsan u qabtay dhaliyada Gobolka

0
136

(sooltoday)hayadda SVO Oo kaashanaysa Maamulka iyo Taliska Booliska Somaliland ee Gobolka ayaa tababar ay soo qaban qaabisay oo hayada SVO Waxaa ay ugu qabteen magalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool Dhalinyarada qaybaheeda kala duwan waxaana tababarkani uu socday Dhiirada lagu muhiimada ay nabadu u leedahay aadamaha iyo sida la,aanteed aan loo gaadhi karin wax horumar ah.

dhaliyaradii ka soo qayb gashay kulanka muhiimka ayaa intii uu socday waxaa ay dood wadaag lafo gurba ka yeesheen muhiimada nabadu bulshada u leedahay waxaanay garwaaqsadeen in nabadu tahay mida kaliya ee Bulsho waliba u baahantahay la,aanteedna aan wax horumar ah la gaadhi karin.

waxaa halkaas hadalo dhiiri galin ah ka soo jeediyey Agaasimaha hayada wadaniga ah ee SVO Md.C/kariim Siciid Aw Cabdi wuxuuna carabka ku adkeeyey in muhiimada dhalinyaradu u leedahay in ay fahmaan nabada iyo doorka muhiimka ee ku leeyihiin ka shaqaynteeda.

sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Md.C/qani Maxamuud Jiidhe waxaanu hayada SVO Ku amaanay Kulankan muhiimka sidoo sheegay in ay qabatay kulanka xili muhiim ah oo loo baahnaa geesta kalena waxaa uu dhalinyarada ku baraarujiyey in door mug leh ka isgaataan xaqiijinta nabad ee Gobolka si looga shaqeeyo horumar lagu talaabsado.

ugu danbayntii kulaankaas waxaa hadalo qiimo leh oo nabada lagaga hadlayo ka soo jeediyey cuqaal,qaar ka mid ah dhalintii ka soo qayb gashay iyo Hogaanka Booliska ee Gobolka Sool waxaanay dhamaantood is dultaageen ahmiyada nabadu gobolka u leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here