Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Kormeeray Xafiisyada Wasaaradaha ee Gobolka.

0
132

Gudoomyaha Gobolka Sool Md.C/qani Maxamuud Jiidhe ayaa Kormeer Shaqo ku tagay Xafiiyada dawlada ee Gobolka Sool Markii ugu horaysay tan intii xilkaasi loo soo magacaabay dhawaan Gudoomiyaha ujeedkiisu ahaa sidii uu indhiihiisa ugu soo arki lahaa xaalada ay ku suganyihiin xarumaha dawlada ee magaalada Laas-caanood.

Ugu horayn ayaa Gudoomiyuhu kormeerkiisan ku tagay Xafiiska Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee Gobolka Sool iyadoo la wada ogsoonyhay Muhiimada Wasaaradani ay qaranka u hayso gaar ahaana Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer ku sameeyey xafiiyada Wasaaradaha Deegaanka iyo Cadaalada oo labadooduba ah u qaranka laf dhabar sidoo kale shaqo wayn u haysa bulsho waynta Gobolka Sool Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhamaan goobahaasi uu soo kormeeray ay habsani ah uga socdeen shaqadii isla markaana ay ku sugnaayeen Masuuliyiinta loo igmaday sidoo kalena ku sugnaayeen shaqaalihii ka hawl galayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here